SIR & FASHIL CUSUB : Taliyihii Guutada 1aad Ee Militeriga Somalia Oo La Sheegay Inay Kenya Haysato (Waa Sarkaalkii Qabtay Zakariye Al-Shabaab)

0

WAR NAGU CUSUB (Allgalgaduud.com) Taliyihii Guutada Koowaad ee Ciidamada Meletariga Somalia ee Gobolka Gedo ayaa la sheegayaa in la La’yahay Halka uu Jaan iyo Cirib dhigay tan iyo Dhamaadkii January.

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in tan iyo markii Dowladda Soomaaliya lagu Wareejiyay Zakariye Ismaaciil Xersi oo ahaa Madaxii Sirdoonka Al-shabaab la la’yahay Taliyihii Guutada Koowaad ee Ciidamada Gedo Col. Cabaas.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Gobolka Cali Abshir Carte ayaa sheegay in Sarkaalka ay ku Tuhmayaan Dowladda Kenya inay Heysato.

Col. Cabaas ayaa ahaa Ruuxa uu sida Tooska ah isugu Dhiibay, Xubintan ka Tirsan Maleeyshiyada Shabaab, waxaase la sheegay in uu go’aansaday in uusan sinaba uga Harin inta uu kusoo Hubsanayo Gacanta Sirdoonka Soomaaliya Fadhigiisa Muqdisho.

Waxaa uu Markii loo Kexeeyay Kenya ka mid ahaa Dadkii Raacay, Balse Markii Muqdisho la Keenayay ayaa la sheegay in uusan la Socon.