SIR LA OGAADAY : Damuljadiid Oo Damacsan In Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyo Ma……..(Qorshahani Faarax C/qaadir ayaa..)

0

sir culus 20ALLGALGADUUD MEDIA – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa laga soo sheegayaa inuu ka socdo Siyaasad Cusub oo lagu doonaayo in Xilka looga qaado Garyaqaan Caydiid C/laahi Ilka Xanaf, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, iyadoona Ololaha xilka looga qadayo uu daadihinaayo Faarax C/qaadir.

Qorshahaani ayaa la sheegayaa inuu wado Faarax C/qaadir oo taageero ka helaaya dhanka Madaxweyne Xassan Sheekh oo dhowr jeer ay kusoo laalaabatay arrintaani la xiriirta Garyaqaan Caydiid C/laahi Ilka Xanaf.

Sidoo kale, arintaani mar kale soo cusboonaatay, ayaa waxa ay daba soctaa buuqii ka dhashay Xil ka qaadistii lagu sameeyay Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka, waxaana hadda la diyaarinayaa dadaalkii xilkaasi looga qaadi lahaa Garyaqaan Caydiid C/laahi Ilka Xanaf.

Siyaasadaani ayaa muujineysa in weli khilaaf aan qurxooneyn uu ka dhexeeyo Faarax C/qaadir iyo gudoomiyaha Maxkamadda sare Ceydiid Ilkaxanaf, iyadoona ay wararku sheegayaan in ujeedka uu yahay mid ay ku xoojinayaan qabsashada xilalka ugu muhiimsan Dowlada Federaalka ah ee Soomaalyia, maadaama leysaga daba yimid Wasiiradii badnaa oo ay ku lahaayen Golaha Wasiirada.

Si kastaba ha ahaatee, Tani ayaa kusoo aadeyso xili dhawaan uu aad u dhaliilay garsoorka dalka, sheegayna in Boqolaal Muwaadiniin ah ay si maalaayacni ah ugu xiran yihiin Xabsiyada dalka, islamarkaana Wasaarada Cadaalada aysan war u heyn.