TOP DHAGEYSO:- Odaayasha Galmudug "Kamaanan Bixin Shirka Dhusamareb, Anaga Ayaan Wadna"

0

Odayaasha Dhaqanka Ee matalaya Maamulka Galgmudug Ayaa Beeniyay in Shirka Nabadeenta Ee Ka Socda Dhuusamareeb Ay isaga Baxeen, Waxeyna Sheegeen in Waxgaradka Ka Yimid Koonfurta Galkacyo Ay Shirkaan Hormuud Ka Yihiin.

Kulan Maanta Ay Ku Yeesheen Dagmadda Dhusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud Ayaa waxaa Ku Sugnaa Odayaal iyo Cuqaal Ka Soo Jeeda Maamulka Galmudug, Sidoo Kale Waxaa Halkaasi Joogay Xildhibaanad Ka Tirsan Baarlamanka Somaliya Iyadoo Sheegtay in Shirkaani Uu Dan Uyahay Beelaha Wada Dagga Goboladda Dhaxe.

Xildhibaanad Jawaahir Ayaa Sheegtay in Hal Shaqsi Uusan Matalin Beel Dhan Balse Ay Shirkan Udhanyihiin Odayaashii Matalayay Maamulka Galmudug.

Hadalka Odayaasha Maanta Ku Shiray Dhusmareb Ayaa Ku Soo Aadaya Xilli Wararka Qaar Warbaahintu Ay Tabanisay Lagu Sheegayay in Odayaashii Matalayay Maamulka Galmudug Ay Isaga Baxeen Shirka Ka Soconaya Dagmadda Dhusmareeb Ee Lagu Heshiisiinayo beelaha Wada Dagga Goboladda Dhaxe.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shir Jaraid Oo Ay Maanta Ku Qabteen Dhusamareb: