TOP DHAGEYSO:- Shirka Dhuusa Mareeb Oo Waqti Dheeraad Ah Lagu Daray.

0

Degmada Dhuusa Mareeb ee gobalka Gal-gaduud waxaa ka soconaya shir ballaaran oo dib u heshiisiin ah, kaasi oo ay ku kalansanyihiin beelaha wada dega gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, iyadoo xilligaan la shaaciyay in waqti dheeraad ah lagu daray mudada shirkaan uu soconayo.

Afhayeenka shirkaasi Maxamed Nuur Diini ayaa sheegay in waxgaradka shirsan ay isla fahmeen in waqtiga uu ku yar yahay, sidaa darteedna ay waqti dheeraad ah ku darsadaan si heshiis dhab ah loo gaaro.

Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in xilligaan aanay habooneen in siyaasadda loo gudbo, islamarkaana ay ka doorbideen waxgaradka in shirka dib u heshiisiinta Dhuusa Mareeb sidii loogu tala galay uu u socdo wax walbana si tartiib ah ay ku dhameystaan.

Dowladda Federaalka ayuu ku eedeeyay Afhayeen Diini in wax gacan ah aanay ka geysan shirkaan, ayna isku fiirsadeen dadkii ka qeyb galayay oo kaliya waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shirka Cadaado ayuu sheegay in dowladda aanay xilligaan isku mashquulin, islamarkaana loo baahan yahay oo kaliya in la taageero dadkaan ku shirsan degmada Dhuusa Mareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho uu ku tagay degmada Dhuusa Mareeb waxa uu sheegay in 1-da bisha soo socota degmada Cadaado uu ka furmi doono shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Gal-gaduud. 

Halkaan Hoose ka dhageyso: