War Cusub:- C/raxmaan Caynte oo iska casilay Hogaankii Machadka Heritage ee Magaalada Muqdisho.

0

C/raxmaan Yuusuf Cali (Caynte), oo ahaa Agaasimihii Machadka Daraasaadka Heritage, ayaa iska casilay xilkaasi, ka dib markii uu ka soo muuqday Golaha Wasiirada cusub, ee 27-kii bishii hore looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho. Loona magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga.

War Saxaafadeed uu soo saaray Machadka Heritage, ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu C/raxmaan Caynte ka codsaday inuu ku soo daro Golaha Wasiirada, taasina uu aqbalay C/raxmaan, markii uu wada tashi la sameeyay eheladiisa iyo asxaabtiisuba.

“Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Sharmarke, ayaa 27-kii January wuxuu ka codsaday Agaasimaha Machadka Heritage C/raxman Caynte, inuu ku biiro Gole Wasiirro cusub oo uu soo yagleelay, kuwaas oo lagu soo xulay kartidooda iyo aqoontooda.  Mr. Caynte ayaa aqbalay codsigaas, kaddib wadatashi uu la yeeshay asxaabtiisda iyo ehelkiisa. Waxaa loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamig ah. Markiiba, Mr. Caynte dhinac ayuu uga istaagay hoggaanka HIPS, sida uu qorayo sharciga HIPS. Guul ayaan u rajeyneynaa.” Ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka.

Waxaa kaloo lagu sheegay “Agaasime Xigeenka Machadka, C/rashiid Xaahis ayaa si ku meel gaar ah u siin hayn doona xilka HIPS. Haddii Golaha Baarlamaanku ansixiyo wasiirrada cusub, Mr. Xaashi ayaa si rasmi ah ula wareegi doona hoggaanka HIPS, si ku cad sharciga HIPS, wuxuuna si qoto-dheer ula shaqeyn doonaa Golaha Sare, deeq-bixiyayaasha iyo hey’adaha kale ee jaalka la ah Machadka.”

“Waxaase ugu muhiimsan in Machadka uu sii wadan doono madax-bannaanidiisa iyo dhexdhexaadnimadiisa, isagoo ka qayb qaadan doono inuu kaalin wanaagsan ku yeesho jaan-goynta siyaasadda, una sii maraya cilmi baaris iyo taxliil.” Ayaa lagu sheegay War Saxaafadeedkaasi.