War Cusub: Falaagada Al Shabaab Oo Nin Sixiroole Ah Ku Toogtay Bartamaha Magaalada Diinsoor.

0

Kooxda falaagada argagixisada Alshabaab, ayaa maanta bartamaha Diinsoor ku toogatay nin Sixroole ah, ninkaan ayaa waxaa lagu toogtay meel u dhow Garoonka diyaaradaha Diinsoor.

Goobta lagu tooganayay ninkaan, ayaa waxaa isugu soo baxay dad weyne aad u farabadan, kuwaasoo daawanayay qaabka loo taaganayay Sixiroolahan.

Qaadiga Maxkamada Diinsoor, ayaa dadweynihi isu soo baxay u sheegay, in ninkaan Sixiroolaha ah uu mudo ku dhex noolaa dadka deegaanka, baaris dheer kadibna lasoo qabtay laguna xukumay dil.

Ninkaan la toogtay, ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay C/qaadir Shiikh Aadan, wuxuuna kamid ahaa dadka deegaanka Diinsoor.