War Cusub:- Wiil Soomaali ah oo la ogaaday in uu kubiirirabay ISIS.

0

Wiilkan Somaliga ah ee kamidka ah dadka reer Minnesota oo dhawaan lagu qabtay airport- kuyaala wadankaasi Mareykanka isagoo ugaga duuli raba dhanka wadanka Syria,ayaa qirtay in uu kubiiri rabay kooxda ISIL ee wadamada ciraaq iyo Syria.

Cabdullahi Maxamuud Yuusuf oo 18 sano jir ah ayaa maxkamad degmo oo kutaala Minneapolis kahor qirtay in uu usafraye xiligii laqabanaye wadanka Syria si uu ugu biiro kooxda Dacish. Wiilkan ayaa wajahaya xabsi dhan 15 sano inkastoo qaaliga maxkamada uusan wali cadeynin waqtiga xukunka Cabdullhi uu dhacayo.

Saraakiisha gobolka Minnesota ayaa sheegay in dhalinyaro badan oo katagtay gobolkaasi ay kubiireen kooxda ISIS badankoodna ay yihiin Soomaali .

Ugu yaraan 22 dhalinyaro Somali-Mareykan ah ayaa kasoo safartay magaalada Minnesota iyagoo soo aaday Somalia kuna biiray Xarakada A-shabab tan iyo sanadkii 2007.Sida kucad warbixin FBI-da mareykanku ay baahisay sanad kahor.

Yuusuf ayaa kahor qirtay maxamada in uu bartay dad badan oo doonaye in ay usafraan wadanka Syria si ay ula dagaalamaan ciidamada dowlada Syria . Yusuf ayaa sheegay in gudaha Minnesota uu ugaga qeybgalay kulan ay yeesheen dhalinyaro Somali ah kuwaa oo doonaye in ay usoo safraan wadamada Syria iyo Somalia.

Yuusuf ayaa sheegay in uu qorsheenaye in uu wadanka Turkiga kula kulmo wiil Somali ah oo isna lagu magacaabo Cabdinuur dabadeedna ay wada aadaan wadanka Syria .