War Deg Deg Ah: Culusow Oo Loola Cararay Xalane & Madaafiic Ku Socota Villa Somalia

0

breaking-news-lloyd-irvin-keenan-jordon-atosMuqdisho(AGGM) Kooxda Alshabaab ee dagaalka culus kula jirta dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo ciidamada Amisom ayaa madaafiic culus ku gaaracaya xilligan madaxtooyadda Villa Soomaaliya,waxaana halkaasi ka socda barakac culus iyadoo Madaafiicdaasi aan la aqoonsan meesha ay ka soo dhacayaan.

Madaxweynaha dawlada federaalka ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo qaar ka tirsan xukumadda ayaa la sheegayaa inay ku carareen gudaha Gaadiidka qafilan ee aan xabadu karin ee ku sugan Xarunta Villa Soomaaliya,waxaana la sheegayaa in Madaxweynaha iyo shaqaalihisu bad qabaan balse ay khasaare soo gaareen dad kale oo ku sugan Xarunta Madaxtooyadda.

Kooxda Alshabaab oo ah koox nabad diid ah ayaa laga yaaban yahay arrinta maanta u fududeysay inay madaafiic culus ku garaacaan Xarunta Madaxtooyadda iyadoo dawladu isku tilmaamto inay hanatey amaanka Magaalada Muqdisho isla markaasna ay yaraadeen Madafiicdii lagu garaaci jirey Xarumaha dawladda.

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo qaar ka tirsan golaha wasiiradda oo ku sugnaa Madaxtooyada ayaa la sheegayaa in loola cararay Xarunta Xalane isla markaasna lagu qaaday dabaabaadka aan xabadu karin ee ciidamada Amisom,waxaana wararku sheegayaa in madaafiicdaasi dad badan khasaare ka soo gaarey inkastoo aan la xaqiijin tiradada dhabta ah.

Lama oga xaaladu waxay ku dambeyn doonto inkastoo xilligan Madaafiicdu wali si toos ah ugu socoto Madaxtooyada,waxaana wararku sheegayaan inaan wali si dhab ah loo aqoonsan meesha Alshabaab ka soo liishamayaan Madafiicda tiradda badan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com