War La Filayay: Falaagada Al Shabaab Oo Sheegtay Weerarki Villa Somalia.

0

Falaagada Argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa War ay ku qoreen Baraha ay ku faafiyaan Wararka Waxa ay ku sheegteen Weerarkii Hoobiyeyaaasha ahaa ee Maanta lagu qaaday Xaruunta dalka looga Arimiyo ee Villa Somalia.

Al Shabaab ayaa sheegtay in Weerarkaasi ay la Bar tilmaameedsadeen Xarunta looga Arrimiyo Dalka ee Madaxtooyada Soomaaliya iyo Safaarada Dalka Jabuuti ee ku taala Agagaarka Madaxtooyada.

Shabaabku waxaa ay intaa ku dareen hadalkooda in Weerarkaasi Madaafiicda ah uu ku Dhintay Qof ka Shaqeeya Madaxtooyada Soomaaliya sida ay sheegteen.

Laamaha Amaanka Dalka wali kama aysan hadlin Weerarka,iyadoona Ciidamada Amaanka Soomaaliya la sheegayo in ay Baaritaano Xooggan wadaan.