War Xiiso Leh: Kooxda Nabaddiidka Jubbland Waa Kuwama?

0

Walaalaha Soomaaliyeedoow meelkastoo aad caalamka ka joogtaan , waxaan rabnaa in aan halkan idin kugu soo gudbinno ,. Kooxda Nabad-diidka Maamul Goboleedka Jubbland.

1- Axmed  Ismaal (Madoobe)
2-General Fartaag
3-C/naasir Seeraar
4- Cabdirashiid Jannan
5-Cornel Dalwiish.
6-  Cadiqaadir (Lugadheere)
7- Macalin Maxamed
8- General Dhuumaal

Kooxdani waa koox cusub oo ku soo biirtay saxada siyaasadda Soomaaliya intii ka danbeeysay 2007-dii xilligii Maxaakiimta ,

Waa koox isku xiran isla mar ahaantaasna caadeeystay in ay daadiyaan dhiiga ummada Soomaaliyeed ee Degaanada Jubbaland , kuwaa soo garabsanaya Dowladda Kenya.

Waxay hadda wadaan da.daal dheer oo ay dib u cusbooneeysiin , maadaaba uu xilligii doorashadii been beenta aheeyd ee 2-snno uu gabaabsi ku jiro.

Maamulka 3-daxda Gobol ee Jubbland waxa uu haystaa deegaanno qani ah oo ay wada dagaan ummadda Soomaaliyeed intooda badan , balse waxaa dibu dhac ku riday xook-dan aan aqoon iyo hogaamin toona lahayn kuwaa soo xeendaan ka dhigtay Ciidamada Amisom kuwooda Kenya .

Haddaba anagoo ah dadka ka soo jeeda deeganada Jubbland , waanu la soconaa hagardaamada lagu haayo shacabka Jubbland , mana u dul qaadan doono in koox-dan ay sii hayaan maamulka Jubbland.

Waxaana Caalamka u gudbineynaa codsi ah in Raggaani aysan matalin Shacabka Jubbooyinka isla mar ahaantaasna ay la mid yihiin Hogaamiye Kooxeedyo dano gaar ah ka leh Deegaanada Jubbland.
Waxaan kaloo codsaneynaa in Lana soo taago maxkamado caalami ah si looga abaal mariyo dhibaatooyinkii ay u geeysteen shacabka Jubbland.

Shacabka Jubbaland gacmaha ha isqabsadaan hana ka hortagaan dhagar gaba yaashan.

Nabadiidka Jubbaland
Kooxda Nabaddiidka Jubbland.

Waxaa Soo Saaray Qoraalkan: Jaaliyadda Jubbaland ee Finland 

Helsinki-Finland