Wariye Peter Greste oo ka tirsan Al-jazeera oo laga masaafuriyay Masar.

0

Peter Greste,oo ah wariye ka tirsan Tv-ga Al-jazeera mudo 400-cishana u xirnaa Dowlada Masar ayaa laga masaafuriyay dalkaasi ka dib markii laga sii daayay xabsi in mudo ah uu ku wehlinayay Labadiisa saaxiib. 

Ilo la heleyo ayaa sheegaya in Mr Greste in diyaarad laga saaray dalka Masar maanta oo axad ah,isagoona safarkiisa ay ku wehlinayeen qaar ka mid ah Qoyskiisa uu ka mid ah walaalkii.

Wuxuuna sheegay in xaalada walaalkii Peter Greste,caafimaadkiisu uu yahay mid wanaagsan.
Labo kale oo ka tirsan wariyaasha Al-jazeera oo kala ah Baher Mohamed, oo ah war soo saare iyo Mohamed Fahmy wali ku jiraan xabsi ku yaala Masar.

Musaafurinta wariye Greste ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay sii korortay cambaareynta ka imaaneysa caalamka oo ku aadan sii deynta seddexda wariye ee xiran.

Sabakada warbaahineed ee Al-jazeera ayaa soo dhaweysay sii deynta wariye Peter Greste iyagoona dalbaday in la sii daayo saaxiibada kale ee waliba xiran.

Hal ku dhiga warbixin ay soo saarto Al-jazeera ayaa lagu Yiri” Waa war fiican laakin ma dhameystirna ama naguma filna,iyadoo ay u muuqatay inaan kaliya ku qanacsaneyn Shabakada sii deynta kaliya wariyaasi.

Waxana sidoo kale,warbixin lagu yiri inaan Aljazeera joojin doonin ololaha ay ku doonayaan in wariyaashooda lagu sii daayo ilaa iyo Labada kale ee harsan laga sii deynayo.

Inkastoo aan warbixinta si rasmi ah loogu sheegin halka loo musaafuriyay wariyaha ayaa hadan warbaahinta qaar waxay qorayaan in loo musaafuriyay Australia halkaasi uu ka soo jeedo.

Wuxuuna wariyaashan oo horay ugu soo shaqeeyay BBC-da fadhigiisu uu yahay magaalada Nairobi.