WAR CUSUB: Maraykanka & Yuhuudda Oo Dagaal Isugu Hanjabay (Sii Ogow Sababta Isku Dirtay..?)

0

WARARKA CAALAMKA (Allgalgaduud.com)- Muranka u dhexeeya maamulka madaxweyne Obama iyo ra’iisalwasaaraha israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sii xoogaystay, iyadoo ra’iisalwasaaraha israa’iil uu ku eedeynaya mareykanka iyo quwadaha kale ee caalamka in ay ka tanaasulayaan dedaalada lagu joojinayo in Iran ay sameysato hubka Niyuukleerka.

Khudbad uu u jeediyay taageerayaashiisa ayaa ra’iisalwasaaraha Israa’iil waxa uu sheegay in ay tahay mas’uuliyad isaga saran in uu ka hortago waxa uu ku tilmaamay halis aad u weyn oo ka imaanaysa barnaamijka niyuukleerka dalka Iran.

Dhanka kale xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka John Kerry oo ka hadlayay Washington ayaa ku adkaystay in ammaanka Israa’iil uu haatan sugan yahay sababo la xiriira wadahadalada caalamiga ah ee lala galay xukumadda Tehraan.

Xiriirka u dhexeeya mareykanka iyo Israa’iil ayaa waxaa aad u sii xumeeyay qorshaha Netanyahu uu ku doonayo in uu kula hadlo congress-ka mareykanka usbuuca dambe kaddib markii uu casumaad ka helay hoggaamiyeyaasha xisbiga jamhuuriga.