Wasaarada Warfaafinta oo ka tacsiyeysey geeridii Kadare, (Warmurtiyeed).

0

kadare

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta, Mudane Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Dr Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo saakay ku geeriyooday Muqdisho.

Wasiirka ayaa yiri “Anigoo ku hadlaya magaca dowladda, kan Wasaaradda Warfaafinta, kan dhammaan shaqaalaha wasaaradda, kan bahda saxaafadda iyo suugaanleyda dalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay Dr Xuseen Sheekh Axmed Kadare allaha u naxariisto oo jannadii fardowsa Allaha ka waraabiyo. Geeridu waa xaq, Soomaaliyana waxaa ka tagey halyey kaalin mug leh ka soo qaatay dhanka warbaahinta, qorista farta Soomaaliga iyo suugaanta Soomaaliyeed. Dr Kadare, waxuu ahaa shaqsi waxbadan ku soo kordhiyey dalka, oo uu Akademiyada fanka, dhaqanka iyo suugaanta uu in muddo ah ka soo shaqeeyey kana mid ahaa shaqsiyaadkii horumariyey luqadeena qaniga ah oo ah astaamaha aan ku faano kuwa ugu waaweyn.”

Dr. Kadare Alle ha u naxariistee waxuu ka mid ahaa ragii qoray Farta Somaaliga iyo buugii Taariikhda Sayidka, isagoo sare u qaaday Akadeemiyadii fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed. Sidoo kale Marxuum Kadare waxuu ka mid ahaa Halgamaa Somaalida ku weyn, islamarkaana ka qeybqaatay halkagankii Xornimo doonka, isla markaana uu ahaa shaqsigii curin jirey eray bxinta loo qaadanayo Warbaahinta Qaranka markii ay soo hana qaadeysay. Innaa Lillaahi Wa Inaa Illaahu Raajicuun, Geeridu waa xaq.

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii sheegay, in bahda fanka, suugaanta iyo warbaahinta uu ka geeeriyooday shaqsi u soo halgamay oo mudan in wanaagii uu shacabka iyo dalka u soo qabtay in lagu xuso oo lagu maamuuso.

DHAMAAD 
Wasaaradda Warfaafinta, Somalia,