Wasaaradda amniga oo ka hadashay qaraxyo dheemish ah oo lagu qal qal gelinayo amaanka (War-saxafadeed).

0

Muqdisho: 26-Feb-2015, kadib Baaris horudhaca oo ay sameeyeen Hay’adaha Amaanka Dalka ayaa waxa lagu ogaaday Qaraxyo u badan Dheemish ama Been abuur ah oo Cadowga ay doonayeen in ay Bulshada Soomaaliyeed ku Qalqal galiyaan.

Wasiirka Amniga Gudaha mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Amar ku bixiyay in Hayadaha Amniga Dalka ay qaadaan Taalaabooyin lagu xaqiijinayo in arintan oo kale aysan dhicin, isagoona sidoo kale Amray in si dagdaga gacanta loogu soo dhigo kuwii ka dambeeyay

Ujeedada kooxda Nabad diidka ayaa ah kaliya iney Fariin qaldan diraan

taasoo ay ku baneysanayaan dhiiga dadka Soomaaliyeed, iyagoo tabartooda ku soo uruurtay iney Qaraxyo Been abuur ah Sameeyaan.

Ciidamada Amniga ayaa xaqiijiyay ineysan jirin cid ay waxyeelo kasoo gaartay Qaraxyadaas Dheemiska u badnaa, dhanka kalna  aysan jirin wax saameyn ah oo ay ku yeesheen isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.