XOG:- Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Gen. Muxyadiin iyo Madaxweyne Gaas , Xilli Xaaladda Garowe Aysan Sahlaneen.

0

Kadib markii ciidamada ammaanka Puntland dagaalo kula galeen buuraleyda Golis (Galgala) kooxda Al-shabaab ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in amaanka magaalooyinka waaweyn ee Puntland u hoos ku dhac ku yimid.

Ururka Al-shabaab oo adeegsanaya dagaalo dhuumaleysi ah ee ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ayaa sida la rumeysan yahay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh u gaystey ciidmaada amaanka Puntland ee ka howlgala magaalooyina waaweyn ee Puntland gaar ahaan Bosaso iyo Galkacayo.

Ciidamada amaanka Puntland oo aan muddo qaadan mushaharkoodii ayaa howlgallo ay qaadeen waxay kusoo qabteen dad lagu tuhmayey iney qayb ka ahaayeen weerarradaas iyadoo wararka qaar sheegayaan in qaybo ka tirsan dadkaas la sii daayey iyadoo aan loo marin nidaamka dagsan.

Weerarrada noocaan ah ayaa waxaa ugu dambeeyey midkii lagu qaadey bar kontrool ee ku taaley agagaarka Hotel Panorama ee magaalada Bosaso (7 Febraayo 2015) halkaasoo ay ku sugnaayeen ilaalada taliye ku-xigeenka booliska Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muse, weerarkaasna waxa ku dhintay islamarkaana lagu dhaawacey qaar ka tirsan askarta dowlada Puntland.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in hawlgallo ciidamada amaanku ka sameeyeen magaalada Bosaso maalmihii ka dambeeyey Howlgalkasi lagu soo xirxiray dad lagu tuhunsanaa dhacdadaas. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa All-Galgaduud u xaqiijiyey in dadkaas qaarkood laga sii daayey xabsiyada kadib markii amar kasoo baxey madaxtooyada Puntland.

Talabadaan ayaa waxay sababtey in taliye ku-xigeenka Booliska Gen. Muxiyadin iyo dhamaan ciidamada qaarkood isaga soo baxaan magaalada Bosaso isagoo dalbanaya kulamo uu la qaato madaxda sare ee dowlada Puntland.

Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Puntland Muxayadiin Axmad Aw-muuse oo horey uga badbaadey qarax is-miidaamiin ah oo kooxda al-shabaab kula beegsatey magaalada Galkacayo ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in madaxweyne Cabdiweli Cali Gaasxilkii ka xayuubiyey markii uu soo gaarey magaalada Garowe sababo aan la cayimin.

Sidoo kale waxaa shaqada laga eryey dhamaan ciidamadii uu watey Gen Muxayadiin Axmad Aw-muuse taasoo fajiciso ku noqotey shacabka Puntland.

Xil ka qaadistaan wararkeedu soo baxeen ayaa abuurtey khilaaf ka dhex-abuurma madaxtooyada Puntland iyo sarakiishaan taasoo sababtey in kulamo ka dhacaan magaalo madaxda Puntland, kulamadaas oo lagu qaboojinayo is-afgaran-waaga.

Siyaasi ku sugan magaalada Garowe oo la hadlay AGGM ayaa yiri ” waqtigaan xasaasiga ah ee khatarta uu ku jiro amniga magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan magaalada Bosaso, waxaa madaxweynaha Cabdiweli Cali Gaas looga bahan yahay hogaamin dhab iyo inuu abuuro jawi keeni kara isu-soo dhawaansho dhexmarta siyaasiyiinta iyo sarakiisha ka shaqeysa amniga dalka.”

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaan weli ka hadlin khilaafkii ka dhashay sii daynta dad lagu tuhunsanaa weerarkii Bosaso iyo xil ka qaadis la sheegey in lagu sameeyey Taliyaha hey’ada sirdoonka “PIA” Cabdi Xasan Xuseen iyo taliye ku-xigeenka ciidamada Booliiska Muxayadiin Axmad Aw-muuse.

Ammaanka guud ee Puntland ayaa degan hasayeeshe shacabku wuxu qabaa welwel dhanka xasilloonida ah iyadoo dadku qaar iswaydiinayo sababta xilka looga qaadayo waqtigaan xaadirka ah sarakiisha la dirirta kooxda Al Shabaab ee hoggaamiya ciidamo aan qaadan mushaharooyin bilo kor u dhaafaya lix bilood.
Lama saadaalin karo qaabka looga heshiin doono khilaafka ka dhex buurmay madaxtooyada Puntland iyo qaar ka mid ah saraakiisha amaanka Puntland, balse shacabka Puntland ayaa dhaqan u leh xal u helidda khilaafaadka caynkan oo kale ah kuwaasoo la filayo iney ku dhamadaan nabad iyo is-afgarad.

Kala Soco AGGM Wixii ku soo kordha wararkaasi.

Yuusuf Cabdi Shire.

Xafiska All-galgaduud. Puntland.