Allgalgaduud Oo Wax Ka Ogaatay Ujeedada Safarka Deg Degga ah Ee Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Ku Gaaray Guriceel

0

Breaking NewsGURICEEL, Somalia (Allgalgaduud.com) – Wararka ka imaanaya Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goordhaw Magaaladaasi ay gaareen wafdi uu horkacayo Wasiirka Gaashaadhiga Xukuumada Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ka dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Guriceel halkaas oo la sheegay in ay gacanta ku hayaan Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca ee dagaalka kula jira Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya iyo xubnaha kale ee lasocda ayaa la filayaa in kulamo kala gooni ah la qaadnayaan Saraakiisha Ciidamada Ahlu Sunna Hogaamineysa iyo sidoo kale saraakiisha kale ee Ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa in la dhameeyo dagaalka ka aloosan Magaalada Guriceel, waxaana horey u fashilmay wadahadalo ay waxgarad iyo ganacsato ku doonayeen in ay ku joojiyaan dagaalka Guriceel ayna nabad ku kala dhax dhigaan labada dhinac ee dagaalamaya.