ALLGALGADUUD Oo Xog Sugan Ka Heshay In Amiirka Al-Shabaab Qoorta Laga Jarayo (Ogow Khilaafka Kooxda Oo Sii Xargo-goostay)

0

XOG SUGAN (Allgalgaduud.com) – Sida ay Xog-wareedyo in badan aynu ku kalsoonahay u xaqiijiyeen Warbaahinta Allgalgaduud Media, waxaa kulamo maalmo qaatay oo dhexmaray Hogaanka sare ee Maleeshiyada Al Shabaab ay ka dhaceen qeybo kamid ah deegaanada ay ka arimiyaan.

Ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid lagu heshiisiinaayay Hogaamiyaha sare ee Maleeshiyada Alshabaab oo ay kamid ahaayen Axmed Diiriye iyo Mahad Karatey oo ah Sargaal si dadban u Maamulayay Kooxda.

Wararku waxa ay sheegayaan in kulamadaasi ayaa ku soo idlaaden is af garan’waa iyo Hanjabaadyo, Mahad Karatey uu u jeediyay Amiirka Kooxda oo mudooyinkii dambe uu kala dhexeeyay Khilaaf xoogan.

Sargaal ka tirsan Kooxda kana mid ahaa Saraakiisha qeybta ka aheyd kulanka ayaa qoraal kooban kusoo daabacay beejka uu Twitter-ka ku leeyahay, waxa uuna qormadiisa ku xaqiijiyay in Mahad Karatey uu Hogaanka Al-shabaab ugu hanjabay inuu qoorta kajari doono.

Sargaalkaani ayaa waxa uu sidoo kale, qoraalkiisa ku sheegay in Saraakiil uu kamid ahaa Sheekh Cali Dheere uu gacanta ka taagtay isagoona sheegay in uu xal u waayay Khilaafka.

Sidoo kale, gunaanadka qoraalka Sargaalkaasi ayaa waxa uu ku xaqiijiyay in Mahad Karatey uu Kooxda Al-shabaab kala baxay hub uu sheegay in uu gaar u lahaa.

Qeybo kamid ah Saraakiisha Al-shabaab ayaa is weydiinaya goorta uu Karatey hub ku dhex yeeshay gudaha Kooxda Al-shabaab, iyadoo lawada ogyahay in uu ahaa kaliya Sargaal ka tirsanaa Xarakada.

Dhanka kale, Hogaamiyaha loogu hanjabay in qoorta laga jaraayo Axmed Diiriye, ayaa isagu xiligaani ku adkeysanaayo inuu si daacad ay ku dheehan tahay u guto waajibkiisa, haddii ay taasi dhici weysana uu iska Casili doono xilka.

Hadalka Axmed Diiriye ayaa waxaa si weyn uga soo horjeeda Saraakiisha Amniga Shabaab kuwaasi oo la dhacsan qar iska tuurnimada Mahad Karatey iyagoo Axmed Diiriye ku tilmaamaya in uu yahay nin jilcan oo aan Kooxda sii hogaamin karin.