DAAWO : Calanka SOMALIA Oo La Suray Aqalka Looga Arrimiyo Dalka Jarmalka

0

Baarlamaanka-JarmalkaGudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari iyo kuxigenkiisa labaad Mahad Cabdalla Awad ayaa booqasho ku tegay xarunta Baarlamaanka dalka Jarmalka oo markii u horeysay laga hor suray calanka Soomaaliya.

Gudoonka sare Baarlamaanka Jarmalka iyo mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka ayaa qaabilay wefidga Gudoomiye Jawaari, waxayna yeesheen wada hadalo ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in ay sameyaan guddi Xildhibaano ah oo ka shaqeeya iskaashi buuxa dhexmara labada dal.

Gudoomiye Jawaari ayaa dhinaca kale la kulmay madax kale oo ku sugan dalkaas oo ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya.

Mr Jawaari ayaa maalmahan ku sugna dalka Jarmalka oo markiisi hore uu u tegay baaritaan caafimaad.

Baarlamaanka-Jarmalka