"Daawo Sawirada'' Diyaarad rakaab oo ay leedahay Turkiga oo kusoo dhacday Nepal xili ay waday 238 Rakaab.

0

Inta badan Wakaaladaha caalamka ayaa baahiyay inay soo dhacday Diyaarad laga leeyahay Dalka Turkiga xili ay duulimaad ku mareysay Dalka Nepal.

Diyaaradaani oo aheyd nooca Rakaabka ayaa waxa ay soo dhacday Saakay, waxa ayna xiligaasi kasoo ambabaxday dalka Turkiga.

Xiliga ay dhaceysay diyaaradaani ayaa waxaa saarnaa dad shacab ahaa oo tiro ahaan lagu qiyaasay 238 qof, waxa uuna duulimaadkeedu ahaa THY726, waxa ayna ciladaasi qabsatay xili ay ka weecatay khadkii ay ku socotay ka Dib Markii laba casho Roob aad u badani ka da’ayey Deegaanka kaas oo sababay in Cimiladu Aad u xumaatay.

Dhanka kale, Shaqaalaha Gurmadka Degdega ah ee Garoonka Caalamiga ah eeTribhuvan ayaa u gurmaday Diyaarada, ku waas oo soo badbaadiyey Dadkii Diyaarada Turkish Airlines saarnaa.

Daawo sawiradda: