Daawo Sawiradda:- Shirweynihi Midnimo 2 oo maanta si dhab ah oga furmey magaalada Garbahaarey.

0

Waxaa maanta oo Axad ah oo ku beegan 01/03/2015 hoolka shirarka ee magaalada Garbahaarey si dhab ah oga furmey shirweynaha midnimo 2, kaasoo bilahaanba aad loo sugayay.

Madasha uu ka furmey shirwenaha midnimo ayaa waxaa aad usoo buux dhaafiyey qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Sade, kuwaasoo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisaba.

Marti sharafta kasoo qeyb gashey shirweynahaan ayaa u kala qeybsanaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida ugaasyo, nabaddoonno, cuqey,  siyaasiyiin, aqoonyahanno, culummaa’uddiin,  dhalinyaro, haween iwm.

Dhammaan wax-garadka ka soo qeyb galey shirweynahaan ayaa waxaa wajiyadooda aad looga dheehan karey sida ay maqsuud oga ahaayeen is aragooda, kuwaasoo shacuurtooda ka muuqatey sida ay oga go’an tahay ka mira-dhalinta ujeedada ballaaran ee Shirweynaha aaya-tashiga ee midnimo 2.

Maanta oo ahayd maalinkii koowaad ee shirweynaha midnimo 2 ayaa waxaa Ergada ka qeyb gashey ay aad diiradda u saareen qodoba dhawr ah oo ay ugu horeyaan sida wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka baahsan ama baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira gobal-weynaha Gedo.

Waxaa sidoo kale dhammaan Ergadii ka qeyb gashey ay isku raaceen oo qalinka ku duugeen  in aaney marnaba aqoonsaneyn wax looga yeero baarlammaan ee uu yeelaneyo maamulkii Jubbaland ee ee waqtigiisi idlaadey, kaasoo maalmihii u dambeysey lagu dhoodhoobayey magaalada Dooloow.

Waxaa ay ergadu ay halkaas ka direen baaq ku socda dhammaan bulsha-weynta Sade, iyagoo ugu baaqey in ay ka soo qeyb galaan Shirweynaha midnimo2, kaasoo aad u dheeraan doono waqtiga uu soconayo, sidaa awgeedna ay haystaan fursad ballaaran oo ay oga soo qeyb geli karaan.

Lasoco wixii soo kordha

 Daahir. F. Afdheere

Email.  Owsame1@yahoo.com

Daawo sawiradda:

22  17 16 14 13 12 11 10 9 8 6 5 4 3 2 1