Daawo:- Shabaab oo soo bandhigay sawiro muujinaya ciidamadii fuliyay weerarkii deegaanka Mpeketoni ee gudaha dalka Kenya.

0

Al Shabaab ayaa soo bandhigay Sawiro muujinaya qaabkii ay ufuliyeen weerarkii ay ka geysteen deegaanka Mpeketoni oo ka tirsan dalka Kenya weerarkaasi oo Shabaab ay ku dileen dad gaaraya 65-ruux.

Ciidamo ka tirsan Shabaab oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa fuliyay weerarkaasi sida ka muuqata sawirada ay Shabaabka soo bandhigeen.

Weerarka deegaanka Mpekatoni wuxuu dhacay 16-kii June sanadkii 2014, Shabaab ayaa gubay guryo ku yaalay deegaankaasi oo ay dab qabadsiiyeen, markii ay laayeen dad u badnaa Kenyatti oo halkaasi ku noolaa.

Warbaahinta Shabaab ee soo bandhigtay Sawiradan, ayaa sheegtay in ciidamada Shabaab ay si wanaagsan ugu dhex socdaalayeen deeganada ku dhaw Mpeketoni ee ay weerarka ka fuliyeen.

Waxa uu ka mid ahaa weerarkaan, weerarada ugu khasaaraha badan ee ka dhacay dalka Kenya oo ay geysteen Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa tan iyo markii ciidamo ka socda dalkaasi ay gudaha u soo galeen Soomaaliya waxa ay la kulmayeen weeraro kala duwan oo khasaaro badan ka dhashay oo Shabaabka ay ka geysteen gudaha dalkaasi Kenya.

Daawo sawiradda:

1

4

5

6

7

2

3