Daawo: Ugaaska Guud Ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar "Beesha Sade Qayb Kama Aha Mana Ogola Waxa Ka Socda Kismaayo,IGAD-na Waa Inay Been Abuurka Joojiso…

0

Ugaas Maxamed Ugaas Cumar ayaa waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka inay si deg deg ah wax uga qabtaan xasuuqa iyo barakicinta ka socota magaalada Kismaayo, sidoo kalena Ugaas Maxamed Ugaas Cumar ayaa Wakiilada urur goboleedka IGAD ku eedeeyay inay Been Abuur cad ka sameeyeen Beesha Sade,kaa oo ay ku sheegeen in beesha Sade qeyb ka tahay waxa ka socda magaalada Kismaayo, dhqankoodana ay joogaan Magaalada Kismaayo, Ugaas Maxamed Ugaas Cumar ayaa waxa uu ugu baaqay Wakiilada urur goboleedka IGAD inay joojiyaan Been abuurka qaawan ee ay beesha Sade ka baahinayaan, Islamarkaana faraha kala baxaan arimaha dhaqanka Beesha Sade.

Sidoo kale Ugaaska Guud ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi iyo Odayaasha ayaa waxa ay ku cambaareeyeen Dowladda Soomaaliya sida ay u daawanayso waxa ka socda magaalada Kismaayo islamarkaana ay uga aamusan yihiin Madaxda ugu sareeya Dowladda.

Halkan Hoose Ka Daawo