DEG DEG : Korneyl Barre Hiiraale Oo u Dhaartay Odayaasha Shirka KISMAAYO "Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaad la mid tihiin"

0

Barre1WAR HADDA SOO KORDHAY (Allgalgaduud.com) – Xilli maalin ka hor Magaalada Kismaayo loo wareejiyay Shirkii lagu soo xulanaayay Baarlamaanka Maamulka Jubba, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale oo kamid ah garabka Mucaaradka kasoo horjeeda Maamulka KMG Jubba.

Korneel Barre, ayaa sheegay in ka garab ahaan xiligaani uusan aaminsaneyn waxa loogu yeero Baarlamaan uu yeesho Maamulka Jubba, isagoona Tilmaamay in waxa ka jira Kismaayo uusan aheyn Maamul sax ah.

Korneel Barre Hiiraale ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay Shirka ay wadaan Odayaasha taageersan Axmed Madoobe ee maalin ka hor laga wareejiyay Deegaanka Doolow, loona wareejiyay Magaalada Kismaayo, waxa uuna sheegay in Natiijada kasoo baxda Shirkaasi uusan aqbali doonin.

Korneelka, ayaa ku goodiyay in Odayaasha ku shiraaya Kismaayo ay ku xisaabin doonaan Maleeshiyaadka Raaskambooni ee dilalka iyo dhibaatada ku heysa dadka degan Kismaayo.

Wuxuu sheegay in Odayaasha halkaasi tagay ay la mid yihiin kuwo dadkooda iyo dalkooda cadow Kenya u gacan geliyay.

Ugu dambeyntii, Korneel Barre Hiiraaye, ayaa soo hadal qaaday in Hogaamiyaha MKG Jubba uu si cad uga weecday Heshiisyadii ay garwadeenka ka ahaayen DF Somalia iyo IGAD, kaasi oo ay ku wada gaareen Magaalada Kismaayo.