Deg Deg:- Taliyihii Canshuuraha Bariga ee Gobolka Mudug Oo Lagu Qaarajiyay Qarax Ka Dhacay Galkacyo.

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaa goor dhaweyd Magaaladaasi ka dhacay qarax baabuur oo uu ku geeriyooday Sarkaal ka tirsan Maamulka Puntland.

Qaraxaan ayaa wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan inuu ku xirnaa baabuurka uu watay Sarkaalkaan, islamarkaana uu qarxay xilli baabuurka sarkaalka uu maraayay wadada laamiga ah ee Bartamaha ka marta Magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalka qaraxa baabuurka ku geeriyooday ayaa la sheegay inuu qaabilsanaa Ilaalintadhanka Maamulka Puntland.

Xilliga baabuurkiisa uu qarxaayay ayaan jirin cid kale oo la saarneyd baabuurka, waxaana halkaasi ku geeriyooday kaliya Sarkaalka baabuurka watay.

Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa soo gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, kuwaasi oo xiray wadada laamiga ah, waxa ayna halkaasi ka qaadeen meydka Taliyaha Ilaalinta Canshuuraha Bariga ee Gobolka Mudug ee Puntland.

Saxaafadda weli ma aysan helin magaca Sarkaalkaan, hayeeshe ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in gaariga qarxay uu sarkaalkaan watay, uuna ku sii jeeday goobtiisa shaqada.

Qaraxyada caynkaan oo kale ah ee lagu xiro baabuurta ay wataan masuuliyiinta ayaa ku soo badanaya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu beegsadaa Saraakiisha Maamulka Puntland.