(Dhageyso) Beello Hor Leh Oo Ku Heshiiyay Shirka Degmada Dhuusa Mareeb Ee Gobalka Gal-gaduud.

0

Degmada Dhuusa Mareeb ee gobalka Gal-gaduud waxaa ka soconaya shirka dib u heshiisiinta beelaha degan gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, kaasi oo dhawaan waqti dheeraad ah lagu daray.

Waxaa meel dhexe maraya heshiisyada ay gaarayaan beelaha halkaasi wada hadalka ku leh, waxaana dhiman beelo badan oo weli aan is arag, halka kuwo kalena ay heshiisyo kala saxiixdeed.

Wariye Maxamed Cabdiweli Tooxow ayaa soo sheegaya in maalin walba la qabto munaasabad lagu soo bandhigayo heshiis ay gaareen qaar ka mid ah beelaha halkaasi ku shirsan.

Madasha shirkaan uu ka soconayo waxaa goobjoog ka ah siyaasiin iyo xubno horay xil uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray, waxaana xusid mudan in halkaasi ay ku dhan yihiin beelaha degan gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Halkaan Hoose ka dhageyso: