(Dhageyso) Cali Khaliif Galeyr " Wadahadalka Somaliland Dan ayaa Ugu Jidha"

0

Wufuudda ay dowladda Federaalka iyo Somaliland u kala dirsadeen wadahadalka Istanbul, ayaa maanta ku soo kala laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa, ka dib markii uu furmi waayay wadahadalkaasi.

Wafdiga Somaliland ayaa ka dalbaday kan dowladda Federaalka ah, in wadahadalka laga saaro xubno ay sheegeen in ay ka soo jeedaan deegaannada Somaliland, dalabkaasi oo uu ku gacan sayray wafdiga Federaalka.

Xubnaha ergada Soomaalida uga qayb gali lahaa shirka ee Somaliland ay diiday ayaa waxaa ku jiray kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda maamulka Khatumo.

Madaxweynaha maamulkaas Cali Qaliif Galleyr ayaa waxaa uu ka hadlay kulankaas fashilmay.

Wuxuu sidaas oo kale Cali Khaliif ka hadlay waxa uu ka hayo Muqdisho iyo kulamo uu la qaatay madaxwaynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamud.

Hoos ka dhageyso wareysiga Galeyr.