(Dhageyso) Ciidamada AMISOM oo Gargaar gaarsiiyay Isbitaalka Banaadir.

0

Ciidamo ka tirsan Howlgalka AMISOM ayaa maanta  Gargaar gaarsiiyay Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho,waxaana Gargaarkaasi uu iskugu jiray Bariis,Baasto,Buskud iyo Waxyaabo kale oo Nafaqo ah.

Saraakiil ka tirsan AMISOM oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in markasta ay u Taagan yihiin Caawinta Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda Isbitaalada ku jira,iyagoona Booqday Qolalka ay Bukaanadu jiifaan.

Sidoo kale Dr Cali Xasan oo kamid ah Dhaqaatiirta Isbitaalka Banaadir ayaa u Mahadceliyay Ciidamada  AMISOM ee Gargaarka geeyay Isbitaalka Banaadir,waxaana uu Dadka kale ka dalbaday in ay ku daysadaan Tilaabada AMISOM oo kale.

halkaan Hoose ka dhageyso Faahfaahin.