(Dhageyso) Dowlada Canada oo Soomaalida ku nool dalkeeda ka dalbaday inay Booliska la shaqeeyaan.

0

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii Al-Shabaab ay ku han-jabeen inay weeraro ku qaadayaan xarumo ganacsi oo ku yaalo dalalka reer galbeed ayaa waxaa sii kordhayay feejignaanta iyo ilaalada laga hayo xarumahaasi ganacsi ee Shabaabku ay calaamadeeyeen. 

Dowlada Canada oo qeyb ka ahayd dowladihii lagu baaqay in xarumahooda ganacsi la weeraro, ayaa hada dadaal ku bixineysa sidii loo xaqiijin lahaa amaanka goobaha ganacsi.

Taliye ku-xigeenka Booliska dalka Canada Brian Simpson iyo Soomaalida ku nool dalkaasi oo wada kulmay ayaa waxay ka wada hadleen sidii si adag la isaga shaqeyn lahaa nabad galyada iyo in la helo fariin ku dheehan wanaag.

Mr Brian Simpson,ayaa Soomaalida u sheegay in looga baahan yahay in Booliska ay la shaqeeyaan si looga hortago weeraro aragagixiso oo ka yimaada Kooxda Islaamiga ee Al-Shabaab.

Xarunta ganacsiga ee West Edmonton Mall ee ku taalo dalka Canada ayaa amaankeeda si aad ah loo adkeeyay,waxaana sidaasi si la mid ah ciidamo dheeraad ah la dhigay xarumo ganacsi oo ku yaalo dalalka reer galbeedka.

Hoos ka dhageyso: