(Dhageyso) Dowladda Soomaaliya oo dibada u qaaday 13-ruux oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii Central Hoteel.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Maanta oo Axad ah waxa ay Magaalada Muqdisho ka qaaday dadkii ugu darnaa ee dhaawaca uu kasoo gaaray weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Central ee Magaalada Muqdisho.

Saakay ayaa dadkaan laga qaaday Magaalada Muqdisho, waxaana loo qaaday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo xaaladooda caafimaad lagu soo dabiibaayo, maadaama dhaawacyadooda ay cuslaayeen.

Dhaawacyada saaka la qaaday ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa 13-ruux oo dhaawacyadooda cuslaayeen, sida ay sheegtay Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.

Shir jiraa’id oo Garoonka Aadan Cadde ay ku qabteen Wasiirada ayaa waxaa ay ka warbixyeen Xaalada Dhaawacyada iyo Tiradooda,iyadoona Wasiirka Xaafimaadka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ay sheegtay in dadka Gargaarka Caafimaadka dibadda ah u baahan ay yihiin 40 ruux,balse 13-ka maanta la qaaday ay ugu daran yihiin iyadoo dhanka kale sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixisay sidii dadkaan ay u heli lahaayeen caafimaad dalka dibadiisa ah.

Waxa ay sheegtay in ugu dambeyn maanta dadkaan loo qaaday dalka Imaaraadka Carabta oo lagu soo daaweynaayo, waxa ayna ALLAH uga barisay inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Sidoo kale Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya C/salaam Cumar Hadliye, ayaa dhankiisa sheegay in Garoonka Muqdisho ay ku sii sagootiyeen dad gaaraya 13-ruux oo shacab  u badan oo ku dhaawacmay weerarkii Shabaabka ay ka geysteen Hoteelka Central 20-kii Bishan.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horay u balan qaaday inay dalkeeda u qaadeyso dadkii ku dhaawacmay weerarkii Abaabulnaa ee Hoteelka Central oo madax iyo shacab intaba dhibaato ay kasoo gaartay.

Hoos ka dhageyso codkooda: