(Dhageyso) Dr. Yaasiin Faarax Cartan "Wada Hadalkii Istanbul Fashil Kuma Dhamaan"

0

Iyadoo Lagu Guuldareystay Furitaanka Wada Xaajoodkii Ergadii Ka kala Socotay Maamulka Somaliland iyo Dowladda Fedralka Ah Ee Somaliya , Ay Ugu madalsanaayeen Magaaladda Istanbul Ee Dalka Turkiga, Ayaa waxaa Dib Udhaca Shirkaasi Nasiib Darro Ku Tilmaamay Dr. Yaasiin Faarax Cartan Oo Kamid ah Siyaasiyiinta Puntland.

Dr. Yaasiin Faarax Cartan.
Dr. Yaasiin Faarax Cartan.

Dr. Yaasiin  Oo Jogga Magaaladda Boosaso Ayaa Sheegay in Maamulka Somaliland Ay Ku Khaldaneyd Go’ankii Ay Ku Diideen Wada Hadalka Iyo Wada Xaajoodka Labada Dhinac, Isagoo Dhanka Kale Sheegay in Dowladda Somaliya Ay Ku Saxneyd Go’anka Ay Qaadatay Ee Ahaa ineysan Wax Ka Badalin Ergadii Horey Uqorsheysneed.

Labadda Wafdi Ayaa Dhawaan isku Maandhaafay Cidda Ama Ergadda Ka Qeybgalaysa Wada Hadalka Waxaanna Wafdigii Ka Socday Somaliland Ay Shalay Dib Ugu Soo Laabteen Magaaladda Harge’isa Ee Xarunta Maamulkaasi.

Hoos ka dhageyso Wareysiga waxaanna wareystay Dr. Yaasiin Wariyahenna Yuusuf Cabdi shire.