(Dhageyso) Fiqi: “waan qaadnay isbaarooyinkii Afgooye ilaa Marka”

0

Wasiirka Beeraha Maamulka Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in ay qaadeen dhamaan Isbaarooyinkii yaalay wadada isku xirta Afgooye ilaa Magaalada Marka.

Fiqi ayaa sheegay in Ciidamo uu ku sheegay kuwa Deegaanka ah oo ay Isbaarada u taalay inay u sameeyeen baro cayiman oo ay ku nastaan islamarkaana ku tababartaan.

Booqashada Wafuudaan ay hada ku joogaan Gobolka Sh/hoose ayaa daba socda heshiiskii beelihii ku dagaalamay gobolka ay ku gaareen Afgooye.

Hoos ka dhageyso: