(Dhageyso) Gudoomiyaha Wadajir " Degmada kuma sugno Ciidamo aan Sharciyeysneyn".

0

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed C/dulle Afrax ayaa sheegay in Degmada ay ka nadiifiyeen Ciidamadii dhibaateyn jiray Shacabka Degmada isla markaana dhaca u geysan jiray Xilliyada Habeenkii ah Shacabka ku nool Degmadaasi. 


Waxa u tilmaamay in iminka aysan jirin Ciidamo aan sharciyeysneyn oo ku sugan Degmada, waxa uuna xusay in amaanka degmada uu yahay mid iminka la isku haleyn karo, ayna ka saareen Ciidamadii Maleeshiyo beeleedka u hubeysnaa ee ku sugnaa Degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ku guuleysteen in si wadajir ah u shaqeeyaan Ciidamada amaanka iyo Shacabka Degmada sidaasi darteedna ay u suurto gashay iney xaqiijiyaan guud ahaan amaanka Degmada.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in wax badan oo hormar ah uu ka sameeyay Degmada sida inuu ka shaqeeyay Hormarinta Adeega bulshada isla markaana Degmada uu ka hirgeliyay Goobo Waxbarasho oo lacag la’aan ah.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed C/dulle Afrax ayaa ka hadlay waxa u qabsoomay mudadii uu Xilka haayay, waxa uuna tilmaamay in wax badan oo la taaban karo uu ka qabtay Degmada.

Hoos ka dhageyso;