(Dhageyso) Hay'adaha Ka Howlgalla Galmudug Oo Loo digay.

0

Agaasimaha Wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Gal-mudug Maxamed Abshir Cabdi oo saxaafadda kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in xilligaan looga baahan yahay hay’adaha samafalka ee ka howlgala deegaanada Gal-mudug in si deg deg ah ay isku soo diiwaan geliyaan.

Waxa uu sheegay agaasimaha in hay’adaha laga doonayo inay maraan sidii sharciga ah, kuwii horay isku diiwaan geliyayna ay farayaan in ay soo bandhigaan howlaha ay hayaan iyo waxqabadkoodii hore.

“Hay’adaha ku cusub deegaanada Gal-mudug waxaan leenahay is soo diiwaan geliya oo mara sida sharciga ah, kuwii horay isku diiwaan geliyay waxaan faraynaa in sidoo kale ay soo bandhigaan howlaha ay hayaan iyo waxqabadka ay horay u qabteen iyo kuwa hadda soo socda intaba, waxaa hadda lagu jiraa sanad cusub, waxaana la rabaa in qorshayaasha sanadka cusub lasoo bandhigo si loo qorsheeyo oo meelaha u baahan loogu gudbiyo” ayuu yiri agaasime Maxamed Abshir Cabdi

Dhinaca kale mas’uulkaan ayaa sheegay in ay jiraan baahiyo ay qabaan dadka ku dhaqan deegaanada Gal-mudug, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay abaaraha ku dhuftay deegaanada maamulkaasi ka arimiyo.

Ugu dambeyn Agaasimaha Wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Gal-mudug Maxamed Abshir Cabdi ayaa ugu baaqay in hay’adaha samafalka ah ay wax u qabtaan dadkaasi, islamarkaana wada shaqeyn ay la yeeshaan maamulka.

Halkaan Hoose ka dhageyso: