(Dhageyso) Is mari waa xoogan oo ka dhashay furitaankii wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

0

Iyadoo maanta lagu waday in magaalada Istanbul uu ka furmo wada hadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa waxaa soo baxaya is mari waa durba ka dhashay furitaanka kulanka, kadib markii wafdiga Somaliland ay diideen inay soo hor fariistaan xubno ka tirsan wafdiga dowladda Soomaaliya matalaya.

Wafuuda labada dhinac oo ahaa kuwii ugu miisaanka cuslaa tan iyo markii ay bilowdeen labada dhinac ayaa waxaa wehliya qubaro labada dhinac ah oo ka socda waaxyaha Saadaashada hawada, iyadoo wada hadalada ay qeyb ka yihiin arrimaha Hawada Soomaaliya.

Is mariga waaga ka dhashay inuu furmo wada hadaladan ayaa ka dambeeyay markii Wafdiga ka socday Somaliland ay ku adkeysteen in aysan shirka soo fariisan karin afar xubnood oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi, kuwaasoo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa ku andacoonaya in aanay macquul aheyn shirka laga saaro xubno ka mid ah wafdiga dowladda u soo dirtay shirka, isla markaana ay yihiin Wasiiro Soomaaliyeed.

Sidoo kale wafdiga ayaa sheegaya in markii hore ay Somaliland ku war geliyeen tirada wafdiga dowladda ay u soo direyso wada hadalada, isla makaana hadii ay dood ka qabaan ay aheyd in ka hor inta aan la imaan Istanbul inay ka hadlaan.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo Safiirkii hore ee Turkiga ayaa labadaba ku mashquulsanaa dhex dhexaadinta labada dhinac iyo sidii ay meel dhow isugu imaan lahaayeen, si wada hadalada ay u furmaan.

Warar ay heleyso AGGM ayaa sheegaya in xubnaha ay dalbanayaan Wafdiga Somaliland in shirka laga saaro waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangali, Saciid Qoorsheel iyo Xildhibaan lagu magacaabo Cilmi.

Maxamed Biixi Yoonis Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa wareysi uu goor sii horeysay siiyay BBC-da ku sheegay in aanay ogolaan doonin inay shirka soo fariistaan xubno ka tirsan wafdiga dowladda oo ka soo jeeda deegaanada maamulkooda ka arrimiyo sida uu yiri.

Wada hadalada ayaa qarka u saaraan inay bur buraan, hadii aanay wax tanaasul ah dhicin, waxaase lagu balamay in berri la isugu yimaado, iyadoo labada Wafdi ay hal Hotel wada degan yihiin.

Hoos ka dhageyso: