(Dhageyso) Maalinta Duurjoogta Oo Dunida Laga Xusayo.

0

Waxaa maanta dunida oo dhan looga dabaal degayaa maalinta duurjoogta caalamka oo sanad walba maanta oo kale la xuso.

Meelo badan oo caalamka ka mid ah waxaa ka dhacaya munaasabado arintaan lagu weynaynayo.

Soomaaliya ayaa ka mid ahayd meelaha sida aadka ah looga xusi jiray maalintaan, waxaana dalka uu lahaa duur joog badan, walow bur burkii dowladii dhexe ee dalka ka jirtay ay Duurjoog badan u galeen wadamada deriska ah.

Cali Axmed Xasan Gelle waxa uu in badan ku nool yahay degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose, waxa uu sharaxay , sida dalka looga maamuusi jiray maalinta Duurjoogta Dunida iyo xilligaan farqiga u dhaxeeya.

Waxa uu Geelle sheegay in la sameyn jiray munaasabado waaweyn, dalkana uu lahaa meelo badan oo Duurjoogta lagu daawado, balse hadda aanay Soomaaliya joogin duurjoog badan.

“Xafaladaha loo qabanayo maalinta Duurjoogta waxaa qaban qaabin jirtay wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dalka oo dhan ayaa looga dabaal degaayay, dadka aad ayeey u xiiseen jireen markii ay arkaan Libaax iyo Shabeel oo meel lagu xanaaneenayo, laakiinse hadda waxaasi malahan’ ayuu yiri Cali Gelle.

Sanad walba waxaa jiray maalin gaar ah oo lasoo bandhigi jiray xayawaanada Duurjoogta ah oo shacab badan u daawasho tagi jireen, balse wixii ka dambeeyay bur burka dalka ma lahayn meelo lagu daawado Xayawaanada duur joogta ah.

Halkaan hoose ka dhageyso: