(Dhageyso) Maamulka Degmada Xudur oo ka hadlay Dagaal ay la galeen Shabaab.

0

Maamulka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ka warbixiyay Dagaal Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab  ku Dhexmaray Degaano hoosyimaada Degmada Xudur.

Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macali Axmed ayaa sheegay in Dagaalka Al-shabaab ay uga dileen ilaa Dhowr Dagaalame,waxaana uu intaa ku daray in Dhankooda Labo Askari looga dilay.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa Maalmahaan ku dagaalamayay Qeybo kamid ah Gobolka Bakool ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Al-shabaab wali kama hadlin Dagaalka ka dhacay Degmada Xudud ee Gobolka Bakool,iyadoona Maamulka Dowladda uu Guulo ka sheegtay Dagaalkaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: