(Dhageyso) Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo maanta Xukuno Riday.

0

Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya ayaa maanta Xukuno kala duwan ku riday Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo Dilal iyo Dhac lagu soo Eedeeyay.

Maxkamada ayaa Labo Askari oo horay u dilay Dad Shacab ah waxaa ay ku Xukuntay Dil Toogasho ah,halka Hal Askari oo ay ku xukun tahay 15 Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunada ay Maxkamadu riday maanta.

Halkaan Hoose ka dhageyso Xukunka Maxkamadda.