Dhageyso: Maxuu Isu Casilay La Taliyihi Madaxweynaha Somaliland Ee Dadka La Haybsooco?

0

Barqad Jaamac Xirsi ayaa dhawaan waxa uu iska casilay xilka la taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee dadka la haybsooco, waxaana faah faahin dheeraad ah uu ka bixiyay sababta keentay in xilkaasi uu iska casilo.

Barqad isaga oo u waramay Warbaahita Muqdisho ayuu sheegay in markii uu arkay cadaalad darro ka jirta xukuumadda iminka talada haysa ee Somaliland, islamarkaana ka beel ahaan aanay wax xil weyn ah ka hayn maamulkaasi uu isna garwaaqsaday in uu is casilo.

Xuquuqda siyaasadeed ee dadka uu isaga kasoo jeedo ayuu sheegay in aysan waxba helin, islamarkaana beel dhan uu isaga xilkaan ka hayay, ka dibna go’aan ku gaaray in meesha uu baneeyo.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayuu ku amaanay dadaal xoogan oo uu ku bixiyay in wax laga siiyo dadkaan la haybsoocayo hogaanka, baarlamaanka qoraallo badan u gudbiyay, balse la doonayay in Silaanyo isku shaandheyntii uu sameeyay uu isaga ka bilaabo oo xilal u magacaabo dadka la hayb sooco waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waa meel aan ku haysanno nabad galyo iyo ixtiraam bulshada dhexdeeda ah, balse caqabadda waxay ka taagan tahay nimanka siyaasiinta ah ee kuraasta dalka haysta ayaa saamiga aan xaqqa u leenahay arki la” ayuu yiri Barqad Jaamac.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in Dastuurka maamulka Somaliland uu sheegayo in muwaadiniinta ay siman yihiin, balse siyaasiinta ay muujinayaan haybsooc iyo sad bursi.

Ugu Dambeyn Barkhad ayaa sheegay in ay isku imaan doonaan, waxgarad, aqoonyahan iyo siyaasiin ka dibna ay soo saari doonaan go’aan mid ah waliba iyaga oo gacmaha is haysta.

Halkan Hoose Ka Dhageyso…