(Dhageyso) Odayaasha Koonfur Galbeed oo Sheegey in Ay Xal Ka Gaareen Muran Xulista Baarlamaanka.

0

Odayaasha dhaqanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegey in ay xal ka gaareen sidii loo qeybsan lahaa xubnaha baarlamaanka maamulkaasi oo hawsha xulistiisa lagu guda jiro.

Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiine ayaa sheegey in hadda qeybta lagu saleeyey deegaan ahaan kadib markii ay suuroobo weysey in beelaha lagu qanciyo qeybsiga xildhibaanada.

“Odayaasha Koonfur Galbeed xulitaankii ayay ku guda jiraan, marka habka wax loo qeybsanayo ayay hawshu ku bilaabatay, sida uu dastuurka dhigayo 95 xubnood ayay tahay in uu noqdo baarlamaanka Koonfur Galbeed, ismari waa kadib waxaan ku tashanay in sedexda gobol loo kala qeybiyo xubnaha” ayuu yiri Malaaq Cali .

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan odayaasha dhaqanka ka codsaday in ay soo dadajiyaan xulista baarlamaanka.

Hoos Dhageyso: