(Dhageyso) Ow Libaax " Dowladda Heshiiska Ay La Gashay Ahlsunna Waxba ma soo siyaadinayo"

0

Gudoomiyaha Ahlusunada gobolada Koonfureed Sheikh Max’ed Maxamuud Yuusuf Awlibaax ayaa sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ku guuldareysatay dhaqan gelinta heshiisyo horay Ahlu suna ula gaartay Dowlada Soomaaliya. 

Wuxuu tilmaamay Awlibaax in muhiim tahay in Dowlada Soomaaliya dhaqan geliso heshiisyadii horay loo gaaray si loo gaaro dhismaha maamulka gobolada dhexe oo hada qaban qaabadiisiisa si aad ah u socota.

Gudoomiyaha Ahlu sunada gobolada Koonfureed Sheikh Max’ed Maxamuud Awlibaax oo sii hadlayay ayaa xaqiijiyay in Ahlu suna xasilinta gobolada dhexe dhiig badan uu kaga daaday,islamarkaana wiilal badan halkaasi ay ku waayeen loona baahan yahay Dowlada dhexe dhankeeda inay adkeyso balamadii lala galay.

Hadalka Awlibaax ayaa ku soo aadaya xilli shalay gelinkii danbe Ahlu suna iyo Dowlada dhexe heshiis KMG oo ka kooban shaqn qodob ku wada gaareen magaalada Gura-ceel,kaasi meesha ka saaraya in mar kale dhiig uu ku daado degmada Gura-ceel.

Hoos ka dhageyso: