Dhageyso: Riyo Beenaadka Afhayeenka Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Cabdinaasir Seeraar Maax.

0

Horjoogaha dhanka saxaafada ee maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Cabdinaasir Seeraar Maax oo u waramay Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in cid walba oo ka mid ah waxgaradkii xuli lahaa Xildhibaanada baarlamaan ku sheega ay doonayaan Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ku sugan yihiin Kismaayo iyo sidoo kale Doolow, islamarkaana muddo ay ka baaraan degayeen sidii ay isugu keeni lahaayeen waxgaradka gobaladaasi wada degan.

Seeraar ayaa sheegay in wax mugdi aanu ka imaan doonin mustaqbalka fog hadii xildhibaano loo soo magacaabo deegaano aanay weli iyagu gacanta ku hayn oo Al-shabaab maamulaan.

Horjooge seeraaar  waxa uu tilmaamay in mar hore ay ka baaraan dageen oo Odayaashii matali lahaa degmooyinka gacantooda ka maqan ay keeneen magaalooyinka ay maleeshiyaadkooda joogaan.

Dhinaca kale Horjooge Seeraar  ayaa waxa uu sheegay in waxuu ugu yeeray Jubbaland ay dhisan tahay laba sanadood, balse Afhayeenka ayaa waxa uu hilmaamay in degmada AFMADOW oo uu beel ahaan ka soo jeedo uu gaadiid ku tagi karin ee ay diyaarad u raacaan isaga iyo kuwa la midka ahba, dhinacna aysan u dhaafi karin magaalada Kismaayo…

Isku soo wada duuboo Afhayeenka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa dhamaan inta uu sheegay waxa ay yihiin riyo beenaad aan habayaraato’e wax natiijo ah ka soo bixi doonin, islamarkaana uun dhibaato hor leh u sii kordhinaya xaaladihi hore ee cakiranaa ee gobolada Jubbooyinka….

Halkan Hoose Ka Dhageyso