(Dhageyso) Shir Looga Hadlayo Tacadiga Haweenka Oo Lagu Qabtay Muqdisho.

0

Shir looga hadlayo Tacadiga loo geeysto Haweenka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ,waxaana ka qeyb galay Shirkaasi Mas’uuliyiin ka socota Dowladda Soomaaliya,QM,Midowga Afeika iyo Midowga  Yurub.

Wasiirka Wasaarada Haweenka Xukumadda Soomaaliya  Sahro Maxamed Cali Samatar oo Warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Shirka Diirada lagu saaray Qodobo Dhowr ah oo ay kamid yihiin ka hortagida Tacadiga loo geeysto Haweenka Soomaaliyeed iyo Ilaalinta Xaquuqda Dumarka.

Waxaana Dhinacyadii ka qeyb galay Shirka ay isla meel dhigeen in wada jir wax looga qabto Tacadiga iyo Xadgudubyada loo geeysto Haweenka Soomaaliyeed.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: