(Dhageyso) Somaliland oo iska fogeysay mas’uuliyada burburka wadahadalka.

0

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay in aysan mas’uul ka aheyn burburka ku yimid Wadahadalada u dhaxeeyay iyaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in ay xaq u leeyihiin inay iska diidaan inay la fariistaan xubnaha kasoo jeeda Somaliland waayo waxa uu yiri waxa wada hadalaya waa Somaliland iyo Soomaaliya.

“inta uusan furmin wadahadalka ayaan u sheegnay dowladda Soomaaliya in aan la fariisan doonin xubno kasoo jeeda Somaliland” ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland.

Hoos ka dhageyso: