(Dhageyso) Soomaaliland oo horay u sii ogeyd xubnaha Dowladda u matalaya wada hadalka.

0

C/raxmaan Maxamed Maxamuud Cagaweyne oo ah Guddoomiyaha ganacsatada Soomaalida ee dalka Turkiga kana mid ahaa dadkii waday qaban qaabada shirka la filaayay inuu ka dhaco dalka Turkiga ayaa sheegay in horay loosii wargeliyay maamulka Somaliland xubnaha dowlada Soomaaliya u matalaya shirkaasi.

Cagaweyne ayaa sheegay in Email “adeeg dhanka Internetka ah” maamulka Somaliland loogu gudbiyay ka hor shirka magacyada iyo xubnaha dowlada Soomaaliya u matali lahaa shirkaasi dhankoodana ay soo gudbiyeen.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay wanaagsaneyd maamulka Somaliland in xiligaasi ay doodaan shaqsiyaadka ay dhaliilsanaayeen, laakiin haddii meesha la tagay aysan aheyn inay dhaliisha keenaan.
Soomaaliland iyo Dowladda Soomaaliya wada hadalkii udhaxeeyay ayaa fashil ku yimid, kadib markii uu furmi waaye, sababo ku aadan in Soomaaliland ay shuruud madasha keentay.
Hoos ka dhageyso: