(Dhageyso) SOSCENSA “Hala Joojiyo Dagaalka Guriceel”

0

Dallada Jilayaasha aan dowliga ahayn SOSCENSA ayaa ku baaqday in si shuruud la’aan lagu joojiyo dagaallada ka socda degmada Guriceel ee gobalka Gal-gaduud, si dad badan oo dhiban ay nabad u helaan.

Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ah gudoomiyaha dalladaasi, waxa uu sheegay in looga baahan yahay dowladda Federaalka iyo Ahlu-sunna in shacabka ay u turaan nabaddana ay wada qaataan.

“Anaga Bulsho rayid ahaan meel walba oo aanjoogno dagaal waa na dhibayaa, dalka dagaal waa uu kasoo daalay Boqolaal kun ayaa dagaal ku dhimatay intaas ka badan naafo ayeey noqoto kasii badanna wey qaxeen, dagaalka guriceel kuma sii jiro waa arin aad looga naxo meel degan in dagaal laga bilaabo, waan ka xunnahay in dagaalkaasi uu sii socdo, waxaan ku baaqaynaa in dagaalka la joojiyo, wadahadalna laga galo” ayuu yiri Shirwac.

Gudoomiye shirwac ayaa dhinaca kale sheegay in dadaal xoogan lagu bixiyay sidii loo damin lahaa dagaalkaan, waxaana uu bogaadiyay gudiga wada Hadalka ee ku dhex jira dhinacyada dagaalamaya.

Dowladda Federaalka ayuu ka codsaday in ay kaalinteeda hormuudka dhanka nabadda ah ay qaadato, ciidankeedana ay ka celiso dagaalka, sidoo kalena dhinaca kale looga baahan yahay in iyaguna dagaalka ay joojiyaan.

Degmada Guriceel ee gobalka Gal-gaduud waxaa kusoo laab laabtay dagaallo u dhaxeeyay ciidamo ka kala tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlu-sunna Waljameeca.

Halkaan Hoose ka dhageyso: