(Dhageyso) Taliska Ciidanka Milatariga oo ka hadlay Howlgal Isbaarooyin lagu qaaday.

0

Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Gen,Maxamed Maxamuud Qaafow ayaa ka hadlay Howlgallo Ciidamada Xoogga ay ka Fuliyeen Gobolada Shabeelooyinka iyo Banaadir islamarkaana u Jeedkoodu uu ahaa sidii loola Diriri  lahaa Kooxaha Isbaarooyinka dhigta.

Gen Qaafow ayaa sheegay in Ciidamada Milatariga  ay ku guuleysteen qaadista Isbaarooyin badan oo yaalay Shabeelooyinka,dadka Shacabka ahana lagu dhibaaten jiray,waxaana uu Xusay in ay Dhici karaan Kooxo soo Boodooy ah oo mararka qaar Jidka u gala Gaadiidka ka shaqeeya Gobolada Shabeelooyinka.

Inkastoo uu sheegay Taliyaha Qeybta 12-ka April Gen Maxamed Maxamuud Qaafoow in ay qaadeen Isbaarooyinkii yaalay Shabeelooyinka ayaa Warar madax banaan waxaa ay sheegayaan in wali ay jiraan Isbaarooyin dadka Shacabka ah lagu dhibaateeyo.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: