(Dhageyso) Tarsan “Dhagax Iyo Biro Meel La Dhigay Amaanka Ma Sugaan”

0

Gudoomiyahii hore ee gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ammaankeeda lagu sugi karin dhagxaan iyo sidoo kale biro la dhigo wadooyinka qaar iyo Hoteelada waa sida uu hadalka u dhigaye.

Tarsan waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho uu xilligaan ka muuqanayo argagax aad u badan oo dhanka amaanka ah, isaga oo tilmaamay in hadda cid walba oo Hotel ama ganacsi sameysanaysa doonayso in dhagxaan ay dhigato.

“Anaga xilligii aan tala haynay Qaramada Midoobay ayaan ka diidnay in wadada xirtaa illaa madaxweynaha ay uga tageen, marka dhagax iyo biro meel la dhigay amaanka ma sugaan” ayuu yiri Tarsan

Sidoo kale Tarsan ayaa sheegay in tani ay ka dambeeyaan sida uu sheegay dad doonaya in magaalada Muqdisho amaan ahaan loo arko mid aan wanaagsaneen, waxaana uu ka digay in magaalada laga abuuro qal qal amni oo xilligaan aanu jirin.

Amaanka magaalada Muqdisho ayuu sheegay inuu yahay mid hagaagsan, balse la doonayo in dadka laga dhaadhicyo amaan inuusan jirin si ugu dambeyn safaaradaha magaalada Jooga ay maamul gobaleedyada ugu guuraan waa sida uu hadalka u dhigay gudoomiye Tarsan.

Halkaan Hoose ka dhageyso