(Dhageyso) Wadahadalkii Soomaaliya iyo S/land oo maanta ka furmaya Rurkiga.

0

Waxaa maanta ah Axad Dalka Turkiga ka Furmaya Wadahadaladii Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana halkaa gaaray Wafuudii Labada Dhinac uga qeyb galayay wadahadalada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxaa Wafdigeeda hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxamaan Maxamed Xuseen Odaywaa iyo Xubno kale oo ay kamid yihiin Cali Jaamac Jingili Wasiir Gaadiidka iyo Duulista hawada,Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maariye.

Sidoo kale Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa Wafdigooda Hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis.

Maxamed Biixi Yoonis Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Shirka looga hadlayo Arrimo aan horay looga hadlin oo ay kamid tahay Qadiyada Soomaaliland.

Sidoo kale Maxamed Biixi Yoonis ayaa Sharuud ku xiray Wadahadalka oo ku Aadan in aysan la fariisan doonin Wafdiga Federaalka inta ay la socodaan Xubno ka soo jeeda Waqooyiga Gobolada Dalka.

Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Dhowr Jeer yeeshay Wadahadalo Farabadan,inkastoo Dadka Siyaasada Falan qeya ay sheegaan in aan marwalaba runta laga hadlin.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Wasiir Biixi: