(Dhageyso) Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in Shabaab Sanadkaan Dalka laga saarayo.

0

Maxamed Cabdi Xayir Wasiirka Warfaafinta ayaa Tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay Al-shabaab dalka ka saareyso Sanadkaan 2015 ee Bilowga ah,waxaana uu Xusay wasiirka in Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay Qorshahaasi dajiyen.

Wasiirka ayaa intaa ku daray hadalkiisa Dowladda Soomaaliya ay dajisay Qorsheyaal lagu Xasilinayo Goobaha laga qabsado Al-shabaab,iyadoo Casharo laga qaadanayo Degaanadii hore ee Al-shabaab laga saaray.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Dalka Xasan Sheikh Maxamuud uu horay u sheegay in Dagaalka lagula jiro Al-shabaab Sanadkaan Bilowga ah la soo  Afjari doono.

Halkaan Hoose ka dahgeyso Codka