(Dhageyso+Sawirro) Culimada Puntland oo taageeray Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.

0

Masaajidka weyn ee Al-Rowda Bosaso ayaa habeenimadii xalay lagu qabtay kulan muxaadiro ah, kaasoo diirrada lagu saaray dhibaatooyinka kala duwan ee uu qaadku ku hayo qoysaska Soomaaliyeed.

Culimada ugu waa weyn Puntland ayaa kulankan goobjoog ka ahaa, waxaa sidoo kale joogay, Ganacsato, Afhayeenka nabadoonada Gobalka Bari, mamulka Jaamacadda Bariga Africa, mu’asasad Al-Minhaaj, iyo masuuliyiin kale.

Shiikh Axmed Daahir Xasan, Shiikh Xasan Xuseen Axmed iyo Shiikh Daahir Ow-Cabdi oo kulankan ka hadlay ayaa ku dheeraaday diinteena Islaamka halkay ka taagan tahay daroogada Qaadka, waxayna cadeeyeen inuu ka daran yahay Qaadku, Khamriga loona baahan yahay in si wada jir ah looga hortago lana taageero Olalaha la-dagalanka Qaadka oo guud ahaan goobaha dowlada, iyo waxbarashada gaaray.

Culimadu waxay boggaadiyeen wacyi galinta uu wado Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale Qaaddiid, waxayna sheegeen inay waajib ku tahay qof kasta oo Islaam ah inuu ka hadlo waxyaabaha munkarka ah ee diinta ka hor imaanaya iyo nolasha dadka.

Abuukar Cawaale ayaa mudo 25-daqiiqo ah ka waramayay dhibaatooyinka Qaadka, wuxuna sheegay inuu cunayay qaadka 7-sano hase yeeshee uu meel xun la gaaray,hadana u taagan yahay inuu dadka ka wacyi galiyo wadooyinka xun ee uu qaadka dadka marsiiyo.

Qaaddiid wuxuu dowladda uu Gaas hoggaamiyo ugu baaqay in lagu labo jibaaro canshuurta laga qaado Qaadka soo gala deegaanada Puntland, sidoo kale wuxuu ku dhiirigaliyay madaxda inay u kacaan la-dagalanka Qaadka si loo hakiyo dhaqaalaha faraha badan ee bil kasta Soomaaliya ka aada dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa Aadan Shiikh Doon ayaa sheegay inuu garab taagan yahay wacyi galinta Qaadka, wuxuna iftiimiyay waxyaabaha foosha xun ee laga dhaxlo, kuwaasoo u baahan in wadajir looga hortago.

Nabadoon Cabdiqaadir Axmed Xarago iyo Ganacsade Maxamuud Faarax Bille, oo ka mid ahaan jiray dadkii horay qaadka u cuni jiray ayaa ka waramay dhibaatooyinka ay kala kulmeen iyo sababihii isaga joojiyeen cunista qaadka, waxayna shacabka iyo dadka wax garadka ah u sheegeen qaadku inuu xaaraan yahay sidaasi darteedna loo baahan yahay suulintiisa in laga qayb qaato.

Tan iyo intii uu ka bilowday Olalaha la-dagalanka Qaadka deegaanada Puntland, waxaa jira ganacsato qaad iyo kuwa gada oo ku dhawaaqay inay faraha kala baxeen qaadka, meelaha sida weyn wacyi galintu u saamaysay waxaa ka mid ah magaalooyinka Qardho iyo Carmo.

Hoos ka dhageyso Codka:

Daawo sawirro:

12345678910111213141516171819
Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.
DHAMMAAD.